Ku Soo Dhawoow Webside-ka Xarunta Sharciga ee Sheffield

Xarunta Sharciga ee Sheffield waxay bixisaa talo sharci oo madax banaan, oo lacag la'aan ah

 

Waxaanu caawinaa dadka aan heli karin ama aan awoodin inay iska bixiyaan talo kale oo sharci

 

Maxay Sameeyaan Xarunta Sharciga ee Sheffield?

Waxaanu talooyin sharci ka bixinaa qeybaha sharciga ee ku saabsan:

 

  • Guryaha
  • Shaqooyinka
  • Immigrashinka
  • Sharci doonka
  • Midabtakoorka, oo ay ku jiraan midab takoorka midabada

 

Waxaanu sidoo kale bixinaa siminaarada talooyinka oo ku saabsan caawinaada dowlada iyo dhibaatooyinka deynta.

 

Fadlan soo wac Qadkeena telefoonka oo ah 0114 2731888 inta u dhaxeeysa 10.00am iyo 4.00pm haddii aad warbixin dheeraad ah doonayso.

 

Haddii aadan si fiican ugu hadli karin Ingriiska, waxaa fiican inaad raadsato qof si fiican ugu hadli kara Ingriiska oo saaxiibka ama xubnaha qoyskiina ah markii aad telefoon nagula soo xariirayso.

 

Maxaanay Qaban Xarunta Sharciga ee Sheffield?

Ma aanu caawino milkiilayaasha guryaha ama shaqooyinka iyo caadi ahaan ma aanu caawino dadka ku nool Sheffield banaankeeda.

 

Halkeen kaloo caawinaad ka heli karaa?

Haddii aanan ku caawin karin, fadlan wac Qadka Telefoonka ee Caawinaada Sharciga ee Bulshada oo ah 08453454345 ama fiiri www.communitylegaladvice.org.uk (luqadaha bulshadu ku hadasho ayaa diyaar ku ah websid-kooda.

 

Waxaad sidoo kale la xariir kartaa Citizens Advice Bureau ama Xarunta Talooyinka ee degaankaada.

 

Ujeedada Xarunta Sharciga ee Sheffield waa inay caawiso dadka la dhibaateeyay ama sida aan cadaalada lahayn loola dhaqmay. Taasi macnaheedu waxaa weeyaan inaanu u diidno inaanu caawino dadka sida dhibaatooyinka leh u dhaqma.

 

 

Waxaanu aad uga xunahay inaanu awoodi weynay inaanu ku wada turjibaano webside-ka oo dhan luqadaada arimo dhaqaale daraadood.